Weftigii Midowga Yurub iyo Deeqbixiyayaasha oo ku baaqay in la ixtiraamo Awoodda Komishanku u leeyahay inuu cayimo wakhtiga Doorashada, lana fuliyo heshiiskii saddexda Xisbi iyo Komishanka

                                     yuripiyan unoin.jpgHargeysa (kulmiye.info) - Wefti ka socda Komishanka Midowga Yurub iyo Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya Doorashooyinka Dimuqraadiyadaynta oo booqasho ku yimi dalka Khamiistii ayaa ugu baaqay xisbiyada iyo dowladda Somaliland inay ixtiraamaan waajibaadka Dastuuriga ah ee Komishanka, kaas oo ah cidda keliya ee awood u leh inay cayimaan wakhtiga doorashada, isla markaana ay ku dhaqaaqaan fulinta heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku wada gaadheen. More on Weftigii Midowga Yurub iyo Deeqbixiyayaasha oo ku baaqay in la ixtiraamo Awoodda Komishanku u leeyahay inuu cayimo wakhtiga Doorashada, lana fuliyo heshiiskii saddexda Xisbi iyo Komishanka

Permalink • Print

Labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE oo mawqif midaysan ku diidey go’aanka Guurtida ee mudda-kordhinta: “Marka 15/05/2008 Riyaale uma aqoonsanayno Madaxweyne”

 Hargeysa (kulmiye.info) - Labada Xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan go’aanka Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo lagu burburinayo heshiiskii xisbiyada iyo Komishanku gaadheen. Waxayna caddeeyeen in aanay u aqoonsanayn Daahir Riyaale Kaahin inuu yahay Madaxweynaha Somaliland marka la gaadho 16ka bisha May 2008 More on Labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE oo mawqif midaysan ku diidey go’aanka Guurtida ee mudda-kordhinta: “Marka 15/05/2008 Riyaale uma aqoonsanayno Madaxweyne”

Permalink • Print

Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Mucaaridka ah oo Mawqif adag iska taagey Mudda-kordhin Madaxweynaha iyo Jawaab isburinaysa oo Madaxtooyadu ka bixisay

 Hargeysa (kulmiye.info) -  Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa mawqif adag iska taagey mudda-kordhin la sheegay in Madaxweyne Riyaale ka qalqaashanayo Komishanka Doorashooyinka iyo Golaha Guurtida. Waxayna sheegeen in aanay ogolaanayn in maalin dheeraad ah uu ku darsado Madaxweyne Riyaale muddada xilkiisa oo ku eg badhtamaha bisha May. More on Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Mucaaridka ah oo Mawqif adag iska taagey Mudda-kordhin Madaxweynaha iyo Jawaab isburinaysa oo Madaxtooyadu ka bixisay

Permalink • Print

Baaqa Shirweynaha Labaad ee Xisbiga Kulmiye, 2008

March 31st, 2008 [News] | 

Waxa dalka ka taagan abaaro baaxad leh, waxa marka hore Xisbiga Kulmiye ergooyinka Shirweynihiisan ka codsanayaa in jamacaeenanu duceeyo ilaahna ka barino inuu inoo shubo raxmad khayr qabta oo lagu rayrayyo. Alla ha inaga aqbalo. More on Baaqa Shirweynaha Labaad ee Xisbiga Kulmiye, 2008

Permalink • Print

Hogaankii Xisbiga Kulmiye Oo La Doortay Iyo Ansixinta Darstuurka Iyo Barnaamijka Xisbiga

Hargeysa (Kulmiye.info)- Shirweynihii Labaad ee Xisbiga Kulmiye oo galay maalintiisii 3-aad ayaa lagu doortay hogaanka cusub ee Xisbiga hogaamin doono Shanta Sano ee soo socootga.

Permalink • Print