Nearly all African societies suffer from not only ineffective governments but Presidents who refuse to leave office who throw their countries into civil war and almost always destroy their societies. Somaliland stood out as a society that has deviated from the known path until now. More on Is There A Similarity Between Dahir Riyale and Mugabe?
Hargeysa (kulmiye.info) - Wefti ka socda Komishanka Midowga Yurub iyo Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya Doorashooyinka Dimuqraadiyadaynta oo booqasho ku yimi dalka Khamiistii ayaa ugu baaqay xisbiyada iyo dowladda Somaliland inay ixtiraamaan waajibaadka Dastuuriga ah ee Komishanka, kaas oo ah cidda keliya ee awood u leh inay cayimaan wakhtiga doorashada, isla markaana ay ku dhaqaaqaan fulinta heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku wada gaadheen. More on Weftigii Midowga Yurub iyo Deeqbixiyayaasha oo ku baaqay in la ixtiraamo Awoodda Komishanku u leeyahay inuu cayimo wakhtiga Doorashada, lana fuliyo heshiiskii saddexda Xisbi iyo Komishanka
Hargeysa (kulmiye.info) - Labada Xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan go’aanka Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo lagu burburinayo heshiiskii xisbiyada iyo Komishanku gaadheen. Waxayna caddeeyeen in aanay u aqoonsanayn Daahir Riyaale Kaahin inuu yahay Madaxweynaha Somaliland marka la gaadho 16ka bisha May 2008 More on Labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE oo mawqif midaysan ku diidey go’aanka Guurtida ee mudda-kordhinta: “Marka 15/05/2008 Riyaale uma aqoonsanayno Madaxweyne”
Hargeysa (kulmiye.info) - Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa mawqif adag iska taagey mudda-kordhin la sheegay in Madaxweyne Riyaale ka qalqaashanayo Komishanka Doorashooyinka iyo Golaha Guurtida. Waxayna sheegeen in aanay ogolaanayn in maalin dheeraad ah uu ku darsado Madaxweyne Riyaale muddada xilkiisa oo ku eg badhtamaha bisha May. More on Guddoomiyayaasha labada xisbi ee Mucaaridka ah oo Mawqif adag iska taagey Mudda-kordhin Madaxweynaha iyo Jawaab isburinaysa oo Madaxtooyadu ka bixisay
March 31st, 2008 [News] |
Waxa dalka ka taagan abaaro baaxad leh, waxa marka hore Xisbiga Kulmiye ergooyinka Shirweynihiisan ka codsanayaa in jamacaeenanu duceeyo ilaahna ka barino inuu inoo shubo raxmad khayr qabta oo lagu rayrayyo. Alla ha inaga aqbalo.