Furitaanka Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE,Iyo Doorashada Xubnaha Sadexda Ah Ee Hogaanka Golaha Dhexe Xisbigaasi.

(Kulmiye.info) 2008-08-24 Burco - Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa maanta si rasmiya uga furmay Hoteel City Plaza ee Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer,Isla Markaana waxa lagu doortay hogaanka gudida Golaha Dhexe oo ka koobnayd Gudoomiye, Gudoomiye Ku-xigeen iyo Xoghaye,kadib markii uu shalay hakad galay Furitaanka Shirweynuhu sababo dhinaca farsamo awgeed.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen ergay lagu qiyaasay ilaa 180 Ergay iyo ilaa 70-Marti-sharaf waxa furitaankii Shirka hadal ka jeediyey Badhasaabka Gobolka Togdheer Mr. Jaamac Cabdillaahi Biin.
.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay in uu furan yahay shirkii 2aad ee Golaha dhexe Xisbiga Kulmiye , Madasha shirka ee Maanta oo ahayd Madal ay ka muuqatay farxad iyo Midaw muujinaaya in xisbiga KULMIYE u midaysan yahay furitaanka shirka Golihiisa dhexe lagu dooran-doono Musharaxiinta Madaxweyne iyo ku-xigeenka ee doorashada Kal danbe dalka ka dhici doonta .

Dhinaca kale isla manta waxa ergooyinkii Madasha ka soo xaadiray ay cod u qaadeen 68 xubnood oo lagu soo kordhiyay Golaha Dhexe ee xisbiga kuwaas oo ay ergooyinkii Madashaasi fadhiday ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

Intaasi kadib ergooyinkii xalkaasi fadhiyey waxay guda galeen doorashada Hogaamiyayaasha Golaha dhexe , waxa Madasha la soo dhigay sadex xubnood oo kaliya oo aanay jirin cid tar-tan kula gashay jagooyinkaasi.

Waxa cod Wadajir ah loogu doortay Hogaanka Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ka kooban Sadex xubnood oo kala ah Gudoomiye, Gudoomiye Kuxigeen iyo Xoghaye.

1.) Jaamac Ismaaciil [Jaamac Shabeel] Waxa loo doortay Gudoomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE, waxa ogolaaday ergooyinkii ka soo Xaadirday Shirka 102-Ergay waxa diiday 5-Ergay wax ka Aamusay 2-Ergay Gudoomiyuhuna muu codeyn sidaana uu ku ansaxay.

2.) Maxamed Jaamac Warfaa. Waxa loo doortay Gudoomiye Ku-xigeen Golaha Dhexe ee Xisbiga waxa Waxaana ogolaaday 102-Ergay waxa diiday 5-Ergay waxa ka Aamusay 2-Ergay Gudoomiyaha xisbiga

3.) C/Risaaq Ciyaale waxa loo doortay Xoghaye. Golaha Dhexe ee Xisbiga KUL,MIYE waxa Waxaana ogolaaday 102-Ergay waxa diiday 5-Ergay waxa ka Aamusay 2-Ergay Gudoomiyaha xisbiga

Kadib Doorashada Hogaanka Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE waxa madasha Shirku ka Socday hadalo ka jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo, Ku-xigeenkiisa koowaad Muuse Biixi Cabdi, Iyo Sidoo kale Ku xigeenka Labaad C/Raxmaan Cabdiqaadir.,

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] oo halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi "Waligay Maan Arag UDUB oo shiraysa Ama in ay sidan oo kale u tar-tamaysa, ama hadal haysaba, tolow minaayay rag damac lihi ku Jirin waa yaabe ! mise doorashaba diyaar uma Aha”

Axmed Silaanyo waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in dalka is-bedel lagu sameeyo, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Dalkan innaga ina sugayaa waxa ka jira Duruufo dhaqaale oo xoog leh, markaa waxa loo baahan yahay in is-bedel lagu sameeyo"

Gudoomiye kuxigeenka kowaad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Hadalka Nuxurkiisu waxa uu u badnaa Duurxul-siyaasi ah, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “ Musharixiinta Waxa aan leeyahay oo uu Siilaanyo ugu horeeyo doorashada rag-baa doonaayay oo labo sano raadinayey, ee naga daaya Rafashada, mar hadaynu halkan nimidna Codbaa la qaadayaa, waxa aanu bal qaadaynaan in aan Cadaalada dhowrno, oo aanu si xaq ah idiin kala saarno,"

Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE C/Raxmaan C/qaadir oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi " Maanta dadku waa wada KULMIYE oo dadku waa ina rabaaye waa in aynu U diyaar garowno oo u hub-Urruursano".

Shirka Golha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa maanta u muuqaday mid ku furmay Jawi wanaagsan, isla markaana lagu wado hogaan Fiican in maalinta Bari ah lagu dooran doono

Dhinaca Kale Maanta ilaa Caawa waxa magaalada iyo Goobaha lagu kulmo ka socda kaanbayn siyaasadeed oo xog leh oo u dhaxeeya Musharaxiinta u tartamaysa Jagada Madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga KULMIYE
.
Waxaana Kaanbaynka ugu weyn ka dhex taagan yahay Musharixiinta kala ah C/Raxmaan Aw-Cali Faarax Iyo Cabdiraxmaan Saylici oo labadooduba ka soo jeeda Gobolka Awdal

Permalink • Print