Xukuumadda Rayaale Iyo Shacbiga Reer Awdal Maxaa Ugu Jira Cadaawadda Xisbiga KULMIYE?

Faallo – Weriye Maxamed Cumar, Boorama

Tan iyo markii uu talada dalka qabtay Daahir Rayaale, waxay reer Boorama iyo guud ahaanba reer Awdal la yaabeen sida dhibta yar leh ee ay u fuuleen kursiga dalka ugu sarreeya, kaas oo ay aaminsanaayeen inay iska lahaayeen goboladii laga taageeri jiray SNM wakhtigii lagu jiray halgankii lagu xoreynayey Somaliland.

Waxa kale oo ay la yaabanaayeen sida dhibta yar leh ee Daahir Rayaale kursigaasi u tegey, isagoo aan ka mid ahayn siyaasiyiintii u tartamaysay kursigaasi, ama mucaaradka ahaa, amase ahaa ragii ugu dhawdhawaa Marxuum Cigaal laakiin aakhirataankii waxay isku qanciyeen in uu Rayaale nasiib ku helay iyo dhaxaltooyo marxuum Cigaal.

Midda kale waxay dad badan oo halkan iyo Somaliland joogaa la yaabban yihiin sida Rayaale uu kursigan ku yimi oo ahayd si dhib yar, balse ay u adkaatay in laga furfuro xukunka, isla markaana axsaabta mucaaradka ah ee dhawrka jeer la tartantay ay ilaa maanta ka guuleysan la’yihiin, taas oo keeni karta in shan sano oo dambe uu Rayaale sii xukumo dalka inkastoo ay jiraan cadaadisyo kaga imanaya xisbiyada qaarkood, gaar ahaanna xisbga Kulmiye, oo ay u arkaan inuu yahay cadowga ugu weyn ee Rayaale leeyahay wakhtigan xaadirka ah, UCID-na uu yahay saaxiibka ugu weyn ee xukuumadda maanta.

Haddaba markaad eegto cadaawadda iyo xumaanta ku salaysan arrimo door ah, oo aynaan qaarkood halkan ka sheegi karayn, ayaa waxay soo jiitamaysay ilaa sannadihii 2002dii-23dii wahtigaas oo wasiirka Xidhiidhka Golayaasha ee haatan, Cabdi Xasan Buuni, uu damacsanaa inuu ka noqdo musharraxa mansabka Madaxweyne ku-xigeenka doorashooyinkii Rayaale kursiga madaxweynimada keenay 2003dii.

Cabdi Xasan Buuni oo xisbiga Kulmiye waagaa doorashooyinkii golayaasha degaanka dalka, gaar ahaanna Boorama, ku guuleystay in xisbigaasi xubno door ah ku yeesho golahaasi, balse dhinaca kale ka bixitaankiisii ka dhashay mansabka Madaxweyne ku-xigeennimada ee Cabdi Xasan ku soo bixi waayey ayaa waxa Kulmiye Gobolkan uga bilowday cahdi cusub oo xisbigaasi dhaxaalsiisay guuldarrooyin siyaasadeed, cadaawad, takoorid, iyo khiyaamooyin qarsoon oo ay reer Boorama xisbigaasi kula dhaqmeen oo ah “qawda maqashii waxna ha au qaban”.

Nacaybka iyo dareenka cadaawadeed ee reer Awdal, ama reer Boorama tuseen guud ahaan axsaabta iyo ururada mucaaradka ah, ayaa waxa kale oo ka mid ah inay xitaa gobolka ka mustaafuriyaan masuuliyiinta, iyo siyaasiyiinta axsaabta ama ururada mucaaradka, iyadoo la ogaa sidii loo galay masuuliyiinta urur-siyaasadeedka Qaran, kaas oo Boorama lagu casumay isla markaana Inj, Maxamed Xaashi Iyo Dr. Gabboose hadh cad laga mustaafuriyey Borama, iyagoo weliba ciidan Bileys ah la daba dhigay inay ka kaxeeyaan magaalada.

Inkastoo xumaanta qaybaha dadweynaha Somaliland u hayaan xisbiga KULMIYE, aanay ku koobnayn reer Awdal oo keliya, oo ay jirto dagaal siyaasadeed oo kaga socda Hargeysa, iyo Berberaba, balse waxan ka hadlaynaa tallaabooyinkii dadweynaha reer Awdal xisbigaasi hoggaankiisa iyo siyaasaddiisaba ku wiiqeen ilaa 2002dii:

Hadii aan dib u raacno hagardaamooyinka xisbigaasi siyaasiga ah ka soo gaadhay reer Awdal tan iyo markii uu ka mid noqday axsaabta qaranka ayaa ah kuwo aan la soo koobi karayn.

1. Booqashdii ugu horreysay ee hogaamiyaha xisbigaasi, Axmed Siilaanyo ku yimaaddo Boorama 2002dii, ayaa waxa Boorama ka dhacay mudaharaadkii labaad ee taayirro lagu shido masuul ka yimaadda Hargeysa oo aan ahayn reer Awdal, iyadoo uu ka horreeyey mudaaharaad la mid ahaa oo lagala horyimi Marxuum Cigaal, oo booqasho ku imanayey Boorama, balse badhasaabka Gobolka oo waagaa ahaa nin dhex ahi uu baajiyey kalana dareeriyey banaanbaxaasi Axmed Siillaanyo lagu dhigi lahaa.

2. Khiyaamo xisbigaasi lagu khiyaameeyey doorashadii dhacday 2003dii ee madaxyttooyada loo tartamayey, taas oo weliba laga xishoonayey, dabadana uu ka riixayey Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland C/raxmaan Aw Cali, oo ka soo jeeda gobolkan, loona soo banaanbaxayey khudbadihiisa, isla markaana aanay reer Boorama tusin wax dareen ah oo ka dhan ah siyaasadda xisbigaasi, balse dhinaca kale xisbigaasi ka luggoynayey markay noqoto cod, olole, iyo wakiilnimada lagu ilaalinayo xisbigaasi danahiisa.
3. Waxyaalaha reer Boorama xisbigaasi badeen ayaa waxa kale oo ka mid ah iyagoo wakiiladii ama muraaqibiintii xisbigaasi lahaa laga tuuray gaadiidkii u kala qaadayey degmooyinka, isla markaana, muraaqibiinta xisbigaasi ay qaarkood hoosta kala socdeen xisbiga UDUB, oo aanay ahayn kuwo daacad u ahaa.

4. Dhaqalaha xisbigu ku bixiyey gobolkan wakhtigii doorashada, oo loogu shaqayn jiray UDUB, sahay cunto ahayd oo loogu dhiibay dadkii ka codaynayey meelaha ka fog Boorama, inta badan laga lunsaday ama laga dhacay. Ragii waagaa loo dhiibay sahayda, muraaqbiniintana u ahaa xisbiga ayaa waxa ka mid ah wasiirka Dalxiiska ee xukuumadda Rayaale, C/risaaq Waaberi.

5. Goobaha codbixinta qaarkood sida degaanada Dila, Magaalo-cad, iyo Qulujeed, oo ay masuuliyiintii xukuumadda kaga jiray degaankaasi, oo ka soo jeeda degaanadaasi u diideen in Kulmiye dhigto sanaaduuqda codbixinta.

6. Wakhtigii doorashada oo meelaha lagu tuhmo in KULMIYE ku badan yahay ciidanka amnigu qas ka abuurayey, kaddibna goobtaa la xidhayey.

7. Doorashadii baarlamaanka cusub oo si badheedh looga horjoogsaday goobaha qaarkood in la tiriyo codadkii, inkastoo markan dambe xisbigaasi guulo ka soo hooyey codbixintaasi.

8. Tan iyo markii ay soo dhawaadeen doorashooyinka haatan la filayo inay dalka ka dhacaan, ayaa taageerayaasha ama wakiilada xisbigaasi badankoodii la xidhxidhay, kuwa kalena abtirsiin ahaan, iyo dhaqaale ahaan loogu wareejiyey taageerayaasha xukuumadda ama ciidamada kala duwan laga shaqaaleeyay.

9. Waxay maanta maraysaa in musharraxiintii, iyo taageerayaashii iyo masuuliyiintii xisbigaasi gebi ahaanba laga mamnuucay inay gobolkan ka hadlaan ama afkaartooda ka soo jeediyeen. Dhacdooyinka lagu takoorayo xisbigaasina waxa tusaale ugu filaa tii ka dhacday Degmada Saylac, ee musharraxiintii iyo xildhibaanadii xisbigaasi loogu diiday inay ka hadlaan, waxa ku xigtay munaasibadii degmo-nimada magaalo Cad, waxa kale oo ku xigtay munaasibadii qaranka oo dhammi u sinaa ee 18-ka May, iyadoo aad mooddo in aaladda keliya ee maanta loo adeegsdo qofka la doonayo in xukuumadda lagu diro lagu tilmaamo ay tahay isagoo lagu sheego waa KULMIYE, sidaa darteedna looga fogeeyo shaqooyinka, shirarka, iyo dadweynaha kale ee gobolkaba.

Haddaba markaad isweydiiso waxyaalaha keenay in cadaawadda intaa le’eg gobolkan lagula dhaqmo xisbigaas qaran, ayaa dad badani ii sheegaan.

1. Isagoo hoggaankiisu aanu abtirsiin ahaan ka soo jeedin gobolka Awdal
2. in xisbigaasi ay u badan yihiin saraakiishii SNM, oo ay reer Boorama u arkaan cadow waayo hore ay lahaayeen, isna saamaxeen inta Somaliland jirto.
3. Cabsi ku salaysan aargoosi xisbigaasi reer Awdal lagaga aargoosto falalka lagula kacayo Hoggaanka xisbigaasi, cabsidaas oo ay dadweynaha xisbigaasi u geliyeen mudanayaasha saddexda gole kaga jira gobolkan Awdal, oo had iyo jeer ku ololeeya in la baabi’in doono reer Awdal haddii xisbigaasi qabsado, oo jaamacadaha la xidhi doono, iwm.
4. Hoggaanka xisbigaasi oo looga baqayo inuu qaato kursiga, magaca, awoodda, iyo sumcadda reer Awdal ku leeyihiin Somaliland iyo caalamka intiisa kaleba haddii UDUB laga adkaado.
5. Xiisadda lagaga soo horjeedo siyaasadda xisbigaasi ayaa waxa sii xoojisay ayey qaarkood leeyihiin iyadoo aanay siyaasiyiintii reer Awdal ee caanka ahaa ka muuqan hoggaanka sare ee xisbigaasi, una muuqda mid ay beelihii SNM taageeri jiray iska buuxiyeen mansabyada sare.

Dhinaca kale markaad eegto cadaawada intaa le’eg ee Reer Awdal kula soo dhaqmayeen, ama u muujiyeen xisbigaasi ilaa maanta ayaa lagu tilmaami karaa mid baalmarsan dimuqraadiyadda iyo midnimada reer Somaliland, waxanad mooddaa in reer Boorama ilawsan yihiin in degaanada xisbigaasi KULMIYE uu awoodda badan ku leeyahay dadweynaha ku nooli codkooda siiyeen Xisbiga UDUB, mana dhacdeen in Rayaale Madaxweyne maanta dalka ka noqdo ama mustaqbalka ka noqdo haddii aanay dadweynaha gobolada kale siinin codkooda xisbiga UDUB, codadka reer Awdal siiyeenna aanay keligood soo saareen.

Falalka cadaawadeed ee had iyo jeer masuuliyiinta xisbigaasina ay reer Awdal tusayaan Hogaanka iyo taageerayaasha axsaabta mucaaradka, siiba xisbga Kulmiye ayaa dhinaca kale laga yaabaa inay mideyso beelaha kale ee hoggaanka xisbigaasi ku abtirsado, kuna nool gobolada kale ee Somaliland, taas oo aakhirataanka guuldarro, iyo godobo kaleba geyeysiin karta dawladda Rayaale iyo xisbiga UDUB. Reer Awdalna halkii ay wax ka taransan lahaayeen ay bartilmameed u noqdaan dadweynaha gobolada kale ee Somaliland ee ay bahdilaadda ku hayaan siyaasiyiintooda, sidaa darteedna inta goori goor tahay ay axsaabta mucaaradka, gaar ahaan Kulmiye ka daayaan cunsurinimada ay kula dhaqmayaan masuuliyiintiisa.
Haddii ay xukuumadda UDUB daacad ka tahay inay joojiso arrimahaasina cadaawaddii ay xisbgaasi u gelisay dadweynaha reer Awdal dib ha uga saarto, haddii kale waxa iman doonta maalin kale oo aanay reer Awdal farxi doonin, kana duwan sidii ay ugu farxi jireen guulaha isdabajoogga ah ee xisbgooda UDUB sannadihii ina dhaafay ka soo hooyey mucaaradka loo eryanayo sidii aanay waddanka u dhalan ama aanay xaq ku lahayn.

 
Xigasho: Haatuf

 

Permalink • Print