Gogolka sanaag oo ay isu celiyeen Abaaro ba’an, xaaluf iyo dagaal dhaqaale
Hargeysa (kulmiye.info) - Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada, lagana soo doortay Gobolka Sanaag ayaa sheegay in dadka ku dhaqan gobolka Sanaag ay isu celiyeen Abaaro ba’an, xaaluf iyo dagaal dhaqaale oo kaga socda dhinaca Puntland. Waxana uu ka digey haddii xaaladdu sidaa ku sii socoto oo aan degdeg wax looga qaban in gobolkaasi uu isugu bixi doono caydh.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo toddobaadkan ka soo laabtay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, waraysi uu Radio Horyaal la yeeshay waxa uu sheegay in gobolkaas ay ka jirto xaalad aad u adag oo ah sicir-barar ka dhashay lacagta been-abuurka ah ee lagu daabaco Boosaaso iyo meelo kale oo gobolka Puntland ee Soomaaliya ah, taas oo uu sheegay inay tahay lacagta keliya ee laga isticmaalo Gobolka Sanaag.
Xildhibaan Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in lacagtaas been abuurka ah oo ay leeyihiin, soona daabacdaan ganacsato reer Puntland ahi inay sababtay dhaqaale burbur iyo maciishaddii oo cirka isku shareertay, taas oo cidhiidhi gelisey noloshii, isaga oo sheegay in abaarta ka jirta gobolka oo ah wax dabiici ah, ay ka daran tahay dhibaatada ay ku hayso dadka iyo gobolka lacagtaasi.
“Waar nimanyahow gobolka waxaa ka shaqaysa lacag been been ah oo niman ganacsato ah oo Puntland ahi leeyihiin. Taas ayaa dadkii wax lagaga iibsadaa oo wax lagaga dhoofsadaa,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.
“Meselan, bil ka hor markii aan tegey sarrifku wuxuu ahaa $100-ka Doolar 2 Milyan iyo 2 Boqol oo Kun oo Shilin Somali ah, laba wiig kadib wuxuu tegey Saddex Milyan ku dhowaad Boqolka Doollar. Waxa weeyaan warqado la daabacday oo qaarkood aad arkayso midabkii oo lagu odhanayo way qoyan tahaye sug ha qallashee yaanay kugu fasaqmine… Qaar waxa lagu odhanayaa tii shalay soo baxday (la daabacay) iyo tii maanta soo baxday way kala qaalisan yihiin,” ayuu raaciyey.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, waxa uu intaas ku daray in lacagtaas oo lagu sido gaadiid xamuul ah lagula wareegayo miyiga, isla markaana reer guuraaga gobolka lagaga iibsanayo xoolaha, Beeyada, subagga iyo waxkasta oo ay soo saaraan, iyada oo laga siisanayo ayuu yidhi wixii ay doonaan, maadaama aanay lacagtaasi wax qiimo ah ku joogin ama lahayn ee suuqa lagu daabaco.
Waxa kale oo uu sheegay in mushkilad weyn oo xaaluf deegaan ahi ay soo wajahdey gobolkaas, isaga oo sheegay in lacagtaas been abuurka ah lagu iibsanayo dhuxusha oo hadda la xaalufinayo buurihii Golis ee Ceerigaabo ku wareegsanaa. Waxana uu xusay in lacagtaasi aanay ka socon oo dadka reer Sanaag aanay wax kaga soo iibsan karin Boosaaso oo ganacsi ahaan uu ku xidhan yahay gobolku.
“Dadkii waxa ku socda dhac badheedh ah,” ayuu yidhi Xildhibaanku.
“Dadkii marka lacagtaa beenta ah lagaga qaato wixii ay lahaayeen, ama xoolo ha noqoto ama beeyo ha noqoto ama dhir ha noqotee ee lagaga beddesho, wixiina (lacagtii) aanay ahayn wax soconaya fakhri bay isugu baxayaan,” ayuu raaciyey.
Waxana uu sheegay in haddaba qoysas badan oo Ceerigaabo deggan aanay waxba haysan oo masaajidada looga kaco.
“Haddii aan laga gaadhi dadkaas wax aynaan filayn baa ka soo baxaya,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan.
Shuraakada Maamulka iyo Shuftada Puntland:
Gobolka Sanaag intiisa badan waxaa ka jira, gacantana ku hayey muddadii Somaliland jirtey maamulka Somaliland, hase yeeshee, waxa uu ka mid yahay gobolkaasi gobolada aanay ka hirgelin lacagta Somaliland. Waxaana ka dhisan dhammaan laamaha dowladda oo hawlgal ah.
Madaxweynekuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo horkacayey guddi xukuumaddu u magacawday fidinta maamulka Gobolka Sanaag ayaa sannadkii hore amar ku bixiyey in mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda oo lagu bixiyo Shilinka Somaliland wax lagu kala iibsado, halkii ciidanka iyo shaqaalaha loogu beddeli jirey Shilin Somali. Waxana markii u horreysey magaalada Ceerigaabo lagu arkay iyadoo wax lagu kala iibsanayo lacagta Somaliland ee mushaharka lagu siiyey ciidanka iyo shaqaalaha dowladda.
Hase yeeshee, xildhibaan Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in amarkaa Madaxweynekuxigeenku aanu sii socon, isla markaana ciidanka loo geeyo mushaharkooda oo Somaliland Shilings ah, laakiin, isla xerada ay ku sugayaan dillaaliin iyo lacagta Shilin Soomaaliga been abuurka ah oo baabuur ku raran, taas oo markiiba lagu kala beddesho, isaga oo sheegay in lacagta Shilin Somaliland-ta ah sideeda loogu soo celiyo Hargeysa oo lagaga beddesho Doollar.
Waxana uu ku eedeeyey masuuliyiinta dowladda ee gobolkaa jooga inay raalli ka yihiin dhaca dadka shacabka lagu hayo iyo lacagta been abuurka ah.
“Maamulka dowladda hadday yihiin Maayor, hadday yihiin Badhasaab, hadday yihiin Taliyayaal ciidan qayb bay ka yihiin in lacagta Somaliland aanay ka hirgelin gobolka oo lacagtaa faalsada ahi ay ka socoto, waa wax ay arkaan oo ay og yihiin oo qayb ka yihiin, taasina ay tahay dhaqaala burburkii dalka iyo layntii dadka,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan.
“Yacni maamulkii difaaci lahaa ee lacagtan beenta ah ee la samaystay ka ilaalin lahaa waa dowladda. Marka Taliyihii ciidanka ee Guutooyinka xukumayey uu ogolaado in lacagta Somaliland inta la sarrifto dib loo soo celiyo dee qayb buu ka yahay,” ayuu raaciyey.
Waxa uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan in lacagtaas been abuurka ahi ay tahay wax lagu wada shaqaysto, sababtaasina ay tahay ta maamulka dowladda ee gobolku ay wax uga qaban waayeen. Waxana uu sheegay in lacag Bilyan Somaliland Shilings ahi ay bilkasta tagto gobolka, laakiin, dib loo soo celiyo, taas oo sheegay haddii laga joojiyo dillaaliinta oo lagu amro in la isticmaalo oo cashuurta lagu bixiyo, waxna lagu iibsado ay dadka ka badbaadin lahayd lacagtaas been abuurka ah, isaga oo sheegay in dadka reer Sanaag ay abaal ku qabaan wax ka badbaadiya lacagta Puntland.
“Maanta Gobolkii Wuxuu u rahman yahay koox yar oo danaysanaysa oo qaar ganacsato yihiin, qaar yihiin maamulka dowliga ah ee masuuliyadda nabadgelyada iyo daryeelka dalka u xilsaarnaa, raggaa weeye ragga maanta dadkii ceejiyey ee dhaqaalihii burburiyey,” ayuu yidhi.
Waxana uu raaciyey, “Waxaynu ka hadlaynaa Laascaanood oo Puntland inaga haysatey oo la xorraynayo, Gobolkii Sanaag ee maamulkeenna dowliga ahi ka jirey ayaa burburka ugu weyn Puntland ku waddaa maanta. Maanta dhaqaalaha Puntland ku shaqayso waa ka gobolka Sanaag”.
“Dagaalka ugu xun ee socdaa maaha ka milateriga ee waa dagaalka dhaqaalaha ee ku socda gobolka,” ayuu yidhi.
Waxana uu tusaale u soo qaatay in Boosaaso ay iska joojisey lacagtaa Been Abuurka ah, Gobolka Togdheerna uu mar hore joojiyey, sidaa darteed aanay jirin meel la geeyo lacagtaas.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan waxa uu sheegay in xildhibaannadii Gobolkaas laga soo doortay inta Hargeysa joogta uu u socdo kulamo, isla markaana ay doonayaan inay Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka kala hadlaan masiibada ka socoto gobolka Sanaag.