Su’aashii Alun Michael sarbeebtay huwanayd iyo sahashigii madaxweyne Riyaale
Waxay ahayd arbaca 9kii Jan. 2008 waxan joogey guriga waxanu ahayn aniga iyo Yussuf waa wiilkayga oo fasax ku jirey e’ iyo TVga oo markaa saarnaa SKY news-ka, waxa su’aalo kulul isku garaacayey R/wasaaraha Mr Gorden Brown iyo hadhkiisa mucaaridka ah Mr David Camaron waa barnaamajkii caanka ahaa ee (question time)
si lama filaan ah waxa dhabarka R/wasaaraha safka ugu sareeya su’aal isla taagey halgamaha Somaliland Alla daaga lagasoo doorto Cardiff Mr Alun Michael MP wuxu wediiyey su’aalahaad ka maqasheen warbaahinta kala duwan oy ku jirto BBCda af-Somaliga oo doorkan taxlliil iyo falkin faah-faahsan ka bixisay waxay saarnayd su’aasha mudanuhu iyo jawaabaha miisaaman ee uu kaga jawaabey PM Gorden Brown.
Waxu yidhi mr Brown waan soo dhoweynaynaa martida aad dalkaooda (Somaliland) jaalka la tahay Alun-ow ee ku sugan gudaha aqalka baarlamanka waan hambalyeyneynaa waan caawinaynaa xidhiidhkayagana waanu kobcinaynaa!!!
Waxa u astaysnayd Alun Michael su’aal ka duwan taad maqasheen akh-yaareey hadii uu ahaan lahaa m/weyne Daahir Riyaale nin wax maqlaya ama oofinaya balamaha uu la galo madaxda ka socota xidhiidhka caalamka iyo kuwa saaxibka la’ ah Somaliland iyo an idhaahdo kuwa u dhashay dalka ee u khayr miiraya
Waxa la cadaynayaa inuu weydiin lahaa Alun Michael Raysal-wasaaraha su’aal ahayd “mr prime minister miyaanay geyin Somaaliland in waxay qabsatay lagu abaal mariyo aqoonsi buuxa? Halka uu ka yidhi ma’ igu soo biiraysaa inaan ku hambalyayno Somaliland waxay qabsatay. Nasiib daro canaadka iyo qamuunyaysiga ninkii xilka lagu aaminey Riyaale iyo laacdanka wasiiradiisa qooqan een u tudhayn masiirkeena ayaa hakiyey wixii tala-galku ahaaba.
Awowgay baa wuxuu odhan jirey markuu baal mar iyo badheedh arko “kabta ka illo.
waxay jawaabi noqon lahaydba umaynaan weel samaysan, tan dhacdanay waxay ahayd (sakaaradii budhka la kulantay) madaxweynaha iyo weftigiisuna waxay ku ahayd fajac iyo firka-nax, waxana u dalliil ah kumabay tala jirin oo waakii madaxweynuhu lahaa markuu madaarka Hargeysa kula hadlayey saxaafada casumaad baan mareykan ka hatstaa, Ingiriiskana waan sii marayaa, waxa halkaa ku cad inaanu wax qorshe ah ku lahayn London aan ahayn hadii laga tegi waayo laba caruura oo ka jooga Carrigan la kulankooda.
Intaanan fogaan an iftiimiyo si kooban Alle ha dhawree waa kuma Alun Michael? akhristow waa nin laga soo doorto magaalada Caardiff goob aan xisbi-cumaalku ku hungoobin inta la xasuusan-yahay waxaanay yidhaahdaan waa (traditional Labour constituency) faca iyo fadhiga kursigaana waxa ehel iyo awood laysku halayn karo u ah dad ka soo jeeda Somaliland oo muruq iyo miisaan kaga midha-dhaliyey meeshay joogeen, Mowluuna muwaafaqo ku manaystay. An idhaahdo iyagaa ku ammaanan waa reer Cardiff e’ kuna mahadsan inay gole keenaan xil-dhibaankan u taagan tilmaanta Dhulkooda iyo dhaayahood.
Tolow Alun Michael maxaa lugu abaal marin doonaa?
ogow maaha abaal-marintu aduun iyo hadal-hayn maalmo ku kooban waxase weeye wuxuu u halgamayey laga soo bilaabo badhtamihii sideetaneeyadii oo uu arko cid si-qumman oo daacad iyo hufnaan ku hogaamisa, si loo gaadho aqoonsiga Somaliland raadinayso, waxay leeyihiin dhamaan xil-dhibaanada u ololeeya qadiyada S/land ee carrigan Ingiriisku “Dawladu ha ka fogaato dhacdooyinka is hortaagaya hawl-galka iyo baadi goobka loogu jiro meel-marinta madax-banaaninta Jamhuuriyadan la’ legdamaysa nasiibkeeda; Sida dhawrista Cadaalada, garsoor ka madaxbanaan xukuumada, xaquuqda Aadamaha, musuq-maasuqa oo lasoo af-jaro, suuq ganacsi oo xor ah oon cid gaara loo xidhin sida hada jirta, dimuqraadiyad dhab ah iyo doorashooyin qumman oon dib loo dhigin, xoriyatul-qawl iyo saxaafad madax-banaan, distoorka oo la dhawro, iyo ku takrifalka hantida qaran oo laga dheeraado.
Ninowna ha sugin in sidaa ay tahay lagu aqoonsado Somaliland, waxana laalay oo fogeeyey hadayba rajo jirtey hanjebaadihii iyo daan-daansiga m/weynuhu uu hal-hayska ka dhigtay tan iyo maalintii lasoo daayey waayeelkii ururka Qaran.
Reer galbeedku Afrika ka samaynmaayaan (Robert Mugabe two), waxay dareen adag ka qabaan xumaan iyo xajiin siyaasadeed oo gobolka ku soo korodha mar hadaanu cuntamayn oo qawed culusi ka muuqdo kuwa hada hogaamiya Somaliland, waxa iyana shaki keentay boobka iyo foolxumad ka dhacday Sawaaxil Kenya ee kalliftey qax iyo qala-laase hor leh oon haabkaba lagu hayn, waxay kaloo isha ku hayaan dadka siyaasada falkiyaa hadaladii kasoo yeedhay badhtamihii wiigii hore hogamiyaha Ethiopia oo aad u durayey siyaasada reer galbeedka ee qoor-qabka ku ah qaaradda madow.
War-moogna waxay ceel keentay waraabin iyo rakaadina ku doonaysaa ninka yidhi xidha kursigaan ku fadhiyuu hungureeyee, qabta waxbuu naga qoray aniyo qoyskayga e’, xolaha nool xeryo iigu ooda oo yaanu neef i dhaafin, haamaha iyo shidaalka cawri gaf kama ogoli midkalena lama keeni karo, aqalka Wakiilada gelimaayo oo eray uga sheegi maayo waxaan heshiisyo galay ama geli-doono halkay ka ahayd inuu khudbad sanadle ah ka jeediyo iyo qorshaha Dawladiisa, sharciga anaa gacanta ku haysta waa hadalkii Yuusuf-Tallaabo, Ambassador hotel askartaan ku fasaxi doonaa ha boobaane waa hadalkii wasiir Cawil, taariikhda iyo sooyaalka ummadana waan tir-tirayaa weedhii Xasan-gadhweyne, iyo madaxda Qaran hadaanay joojin damacooda iyo dedaalkooda sharcigaan ku qaadayaa waa hadalkii m/weyne Daahir Riyaale.
Munaasibad kasta madaxweynahu arrin laga waaniyey ama ay ka talo bixiyaan saaxiibada Somaliland wuxu kaga jawaabaa ballan-qaad iyo qubuul,
wuxuubase kudhiiradaa iyagoon lib-dhin khudbado xambaarsan xumaan iyo xasuusin xangaruufooyin baaliyoobey halkuu hufnaan iyo siyaasad debecsan ku hogaamin lahaa Dalkan iyo dadkiisan dulqaadka weheshadey.
Xadhiga madaxda Qaran, awood Dawladeed kula wareega Shuur-net, miscirir jeexii loogu dhacay kumishankii hore, dhaqaalaha kasoo hoyda haama shidaalka iyo shirkada TOTAL, dakhliga marsada Berbera oon cidi ogeyn aan ahayn madaxtooyada,
cabudhinta saxaafada iyo xadhiga suxufiyiinta ee joogtaysan.
Intaas iyo hoosaasooyin kaloo badan marka laysu geeyey waxay keentay cadho iyo canaan ka timaada saaxibadii Somaliland waxana u danbeeyey hanjebaadii madaxweynuhu u marinayey Ururka-Qaran war-baahinta maalintuu maraykan kasoo noqday waxayna keentay jawaabtan uu ka bixiyey (Lord Avebury) waanatan hoos ku xardhan ee bal akhristow dhugo oo dheeho.
waxan maqli jirey soo baxbaa la leeyahay ay sacabka leefaysaa
waxan maqli jirey sigaarka iska daa, iyo waayehee intaa ii dhiib waa jaqaafta
waxan maqli jirey xummaanta iska daa iyo waa lay sugaaya e’ iidhakhsada.
Somaliland hanoolaato ammaano Alla.
Axmed Xaji Yuusuf Ducaale, London, UK.
huluulyare@yahoo.co.uk———————————-
Lord Avebury a long time friend and advocate for Somaliland self determination and democratic processs is once again calling on Lord Mallock- Brown (Minister for Africa, Asia and the UN) to impress upon the Somaliland administration to respect Human rights Organizations and lift the ban on political associations to participate in the poliitical process of the country.
“I am very much in favour of engagement with Somaliland, and of helping their government to forge links with the EU, but that doesn’t mean we should be silent when they make serious mistakes.”
Lord Avebury.
From Lord Avebury
Vice-Chair
Parliamentary Human
Rights Group
P0728111
January 17, 2008
Dear Lord Malloch-Brown,
A few days ago the Prime Minister welcomed the President of Somaliland and his colleagues who were on a visit to Britain,.amd said we would help them build the institutions of democracy. As a member of the All-Party Parliamentary Group on Somaliland, I am pleased to know that we are so active in promoting democracy in Somaliland, but I wonder if the Prime Minister said anything to the President about the continued bar on the Qaran Political Association, following the prolonged arbitrary detention of its three leaders, which I raised with you in my letter of December 26.
The coup by which the government took over Shuro-Net last October is also a signal that there are severe constraints on freedom of expression.
I am very much in favour of engagement with Somaliland, and of helping their government to forge links with the EU, but that doesn’t mean we should be silent when they make serious mistakes.
The Rt Hon the Lord Malloch-Brown KCMG,
Foreign & Commonwealth Office,
London SW1A 2AH