Mr. Reale iyo SNM Maxaa ka dhaxeeya
Dhowlada Reale uu ka madaxda yahay oo ka mamnuucday in taariikhdii SNM ay ka midnoqdo manhajka dugsiyada SOMALILAND ayaa waxa ay keentay in la iswaydiiyo u jeedada ka danbaysa. waxana ka hadlay arintani Madaxda wadanka. Guddoomiyaha ururka SNM, Muj. Xasan Ciise Jaamac waxa uu yidhi: “Arrintaa dembiga ugu yar ee ay wasaaraddu ku yeelan kartaa waa in ay il-duuf ahaan uga tageen cutubyada ka hadlayey taariikhda SNM, dembiga ugu weynina waa inay kas uga tageen, iyada oo ay labadu yihiin dambi culus oo masuuliyadeeda aanay madaxda wasaaraddu sinaba uga gilgilan karin,” “Haddii ay caddaato in wasaaraddu ula-kas uga saartay manhajka waxbarashada taariikhda halgankii SNM, waxaad ku kalsoonaataa in aannu arrintaa dabageli doono ilaa inta aannu ka gaadhayno kama dambyasta, sidaana kaga hadhi mayno waanuna ku tuntuusan doonaa,” ayuu raaciyey Xasan Ciise.
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta weriyayaal ka kala socdey Radio Horyaal iyo Telefishanka Madaxa bannaan ee SLTV wax ka weydiiyeen arrintaas ayaa si weyn u cambaareeyey, kuna tilmaamay ayaandarro aad u weyn.
“Halgankii SNM waa halganka Somaliland keenay, waa halganka xorriyadda Somaliland keenay, ummad badan ayaa u shahiiddey, ku maal-beeshay, ku naafowdey, ku agoomowdey. Maanta, Somaliland gebigeedaba waxa dhashay SNM,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
“Waynu ku sugeyney wakhtigeeda. Markii hore mujaahidiintii baa la baabi’iyey, maantana waxa la tirtirayaa magacii SNM baa la tirtirayaa oo siduu u dhan yahay meesha laga saarayaa,” ayuu raaciyey.
Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay inay tahay ayaandarro kale haddii ummaddu diidi weydo oo ay ka dhiidhiyi weydo waxyaabaha noocaas ah ee ay ka mid tahay tirtirista taariikhdii SNM. Waxa kale oo uu sheegay in uu ogaadey in carruur yaryar oo arday ah la qoro Sirdoonka iyo Basaasiin, dalkii oo dhanna laga dhigay NSS (National Security Service, Hay’addii Taliskii Siyaad Barre u qaabilsanayd Cabudhinta iyo cadaadiska) taas oo uu sheegay inay ahayd waxyaabihii SNM ka dagaalantay lidkeeda.
“Maalin walba in Rajiimkaasi tallaabo soo qaadayo oo u soo qaadayo inuu wixii uu yaqaanney uu ku soo celiyo, oo dalkiiba laga dhigay basaasiin oo halgankii iyo magaciisii iyo taariikhdii la tirtiro,” ayuu yidhi.
Waxana uu sheegay inay si adag u cambaaraynayaan, ugna xun yihiin arrintan, isaga oo ballanqaaday in aanay noqon arrintani mid socoto ama hirgasha.
“Waxaanu ballanqaadaynaa in arrintaasi aanay noqon mid socota. Waxaanu ballanqaadaynaa ama ha la jeclaado ama ha la necbaado halgankii SNM oo buuxa taariikhdiisu ay soo noqon, dalkana ay baal dahab ah ka geli doonto,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo
Mohamed omar (wajaale)