Siyaasiyiinta hoggaanka ururka Qaran oo la saamaxay
Hargeysa (kulmiye.info) - Siyaasiyiinta hoggaanka ururka Qaran ee muddada Afarta Bilood ka badan ku xidhnaa jeelka Mandheera ayaa xorriyaddoodii loo soo celiyey, xalay saqdii dhexena xabsiga laga siidaayey, iyada oo guure lagu soo geliyey magaalada Hargeysa.
Siyaasiyiinta ururka Qaran, Guddoomiyaha ururka Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo labada Guddoomiyekuxigeen, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahim oo ciidamada Asluubta ee ka soo qaaday Jeelka Mandheera ay geeyeen guryahooda magaalada Hargeysa, abbaaro 3:00 habeenimo ee xalay waxay maanta shir jaraa’id ku qabteen xafiiska ururka Qaran ee magaalada Hargeysa.
Siyaasiyiinta ururka Qaran ee xabsiga laga siidaayey waxay u mahadnaq ballaadhan u jeediyeen shacbiga Somaliland iyo bulshada Caalamka sidii ay uga dhiidhiyeen xadhigooda, waxayna si gaar ah ugu mahadnaqeen, ururka Qareennada Somaliland ee SOLA, ururrada u dooda xuquuqda aadamaha ee maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, saxaafadda Somaliland, xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Somaliland Forum, Shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo ergadii dhexdhexaadinta ee ay hoggaaminayeen labada abwaan ee reer Somaliland iyo Koox Salaaddiin ah oo siideyntoodan ka shaqeeyey iyo weliba dad iyo hay’ado kale oo badan.
“Illaah baa mahad oo dhan iska leh. Annagu waanu caafimaad qabnaa, 5 bilood baanu soo liqnay oo xadhig xaq darro ah,” sidaa waxa hadalkiisa shirkaa jaraa’id ku bilaabay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Guddoomiyaha ururka Qaran.
Waxana uu sheegay in markii la xidhayey ay ogaayeen oo loo sheegay in la xidhayo, isla markaana ay haysteen taageerayaal iyo dad awood u leh inay difaacaan in la qabto, balse, ay uga tudheen shacbiga Somaliland ee dhibaatada iyo dagaalada ka soo doogey inay mar kale dhib iyo qalalaase geliyaan. Sidaa darteedna ay isu dhiibeen xabsi xaqdarro ah.
“Waxaan ka door bidnay annakoo nalaga gar daran yahay inaan gacmaha dhiibano,” ayuu yidhi Dr. Gaboose.
“Haddaan 5 bilood ku jirneyna nagama madhnayn dad hiil iyo fikraddii weli aaminsan,” ayuu raaciyey.
Waxana uu sheegay in ay xabsiga ku tageen kalsoonida shacbigooda, haatanna ay kaga soo baxeen kalsoonida shacbiga, isaga oo caddeeyey inay yihiin ururka Qaran, hawshoodii siyaasadeedna ay sii wadayaan.
Dr. Gaboose, waxa uu shacbiga Somaliland ka codsaday inay ku taageeraan in xaqu ka sarreeyo xaqdarrada.
Jamaal Caydiid oo ka jawaabayey sidii loo siidaayey xalay, ayaa sheegay inay ahayd mid la mid ah sidii loo kaxeeyey markii hore, isaga oo taa ka sheekaynayana waxa uu yidhi, “Xalay mar ay ahayd saacaddu 1:30 habeenimo oo ah wakhti aanaan u baran in laydhka la shido oo laydhka Jeelka waxa la bakhtiiyaa 10:00 fiidnimo ayaa laydhka la shiday. Waxaanu dareennay in wax soo kordheen, waxa soo kordhayse maanaan garan. Ilaa cabaar ka bacdi ayaa waxaanu maqalay albaab weyn oo dibadda lagu xidho furitaankiisii. Dabadeed waxaa noo soo galay Taliyaha Jeelka iyo Taliyekuxigeenka Ciidanka Asluubta. Na salaame annaguna salaanay, laakiin, waxay u ekayd argaggixii markii hore nalagu kaxeeyey mid la mid ah, in laguu yimaaddo 2:00 habeennimo oo lagu yidhaahdo alaabtaada xidhxidho oo xaggaad na geynaysaan? Guryihiinnii. Waxay ku haboonayd baanu nidhi in waagu noo beryo oo aanu si xor ah u baxno.”
Dr. Gaboose ayaa ka dhexgalay oo si kaftan ah ugu yidhi, “Jamaal wuu baqay oo wuxuuba is yidhi waa dilkii la sheegayey”.
Jamaal Caydiid, waxa uu intaa ku daray in Taliyaha Ciidanka Asluubtu u sheegay in Madaxweynuhu cafis u fidiyey, balse, waxa uu sheegay in aan wax kale oo tafaasiil ah loo sheegin, wax qoraal ah oo loo keenay ma jiro.
“Sidaas baanu meesha kaga soo baxnay,” ayuu yidhi Jamaal.
Waxana uu raaciyey inay u tahay dareen farxad leh inay dadkooda iyo carruurtooda la ciidayaan. Balse, ayuu yidhi, “Sifihii nalagu kaxeeyey uun baa nalagu soo celiyay oo ama ha noqoto Afduub ama ha ahaato … wax alla wax aan ku sifeeyo garan maayee, sharci aanu ku xidhnayn iyo sharci nalagu soo daayey midna ma jiro”.
Siyaasiyiintaas ururka Qaran ee muddada shanta bilood ku dhow ku jirey Jeelka Mandheera ayaa la sheegay in salaaddiinta dhexdhexaadisey iyaga iyo Madaxweyne Riyaale ay ka aqbaleen in aanay wax dhaqdhaqaaq ah oo nabadgelyo xumo keenaya aanay samaynin iyo in sharciyadda ururkooda Qaran ay u maraan maxkamadda.
Waxayna sheegeen siyaasiyiintaasi inay sii wadayaan hawshooda.
AHMED OMAR
KULMIYE.INFO