Waxa bishan aynu ku jirno ee December 09, ee sanadkan lagu qabtay shir ay iskugu yimaadeen taageerayaasha xisbiga kulmiye. Shirkaas oo ka dhacay Jamicada weyn ee lagu magacaabo HOWARD UNIVERSITY, ee magaladan Washington dc. Shirkaas oo ahaa mid ay taageerayaasha kulmiye ee ku nool Caasimada dalkan mareykanka iyo nawaaxigeedu ku dooranayeen gudi cusub, kana tashanayeen sidii dhaqaale ahaan xisbiga loogu guri lahaa si xisbigu uu u hantiyo ku guuleysiga doorasha sanadka danbe ee 2008.
Jawiga madashaas oo ay ka muuqatay bilicsanaan wacan iyo nidaam, qolkaa lagu qabtay shirka oo ay si bilicsan loogu sharaxay calanka Somaliland iyo kan xisbiga kulmiye, hallkaa oo ahaa mid aad u heersareeye. Shirkaas oo dadkii ka soo qaybgalay ay aad ula dhaceen sida fiican ee loo soo abaabulay iyo bilicda ka muuqata madashaa oo aan lahayn wax loo dhigo. Dadka taageerayaasha ahaa oo ay ka muuqatay farxda iyo galgaceyl, iyo waliba wajibo badan oo aan hore loogu arki jirin shirarka kulmiye oo dadkii meesha joogay ay la farxeen kolkay arkeen saaxiibadoodii ahaa xisbiga talada haya ee udub iyo beelo cusub oo ku soo biiray xisbiga kulmiye
Wax shirkaas lagu furay aayado quraan ah, iyo duco loo duceeyay mujaahidiintii u soo dagaalantay wadanka Somaliland ee SNM. Ka dibna waxa la gudo galy qorshihii shirka.
Waxa ugu horeyntiiba madasha shirka hadal kooban ka jeediyay Aniis Cabdillahi Ciise oo ah gudoomiyaha kulmiye ee Washington dc iyo nawaaxigeeda….Aniis oo hadalkiisii ku bilaabay in uu aad ugu farxsanyahay isu imaatinkan reer kulmiye iyadoo ay waliba farxad weyn ii tahay manta oo aan arkay rag aanu asxaab iyo isku ciyaal ahaan jirnay oo manta aanu isku aragti noqonay mar haday manta halkan u joogaan in ay ku soo biirayaan xisbigeenan sharafta leh, waxaan leeyahay ragaas iyo dumarkaaba walaalayaal ku soo dhowaada gacmo furan iyo qalbi caafimaad qaba saaxiibadaas aanu kala baadnay waxaan leeyahay ….sidan ninkii heeshaaga ahaa ee la odhan jiray BOB MARLEY ee u dhashay dalka jamayka ayaa heesihiisii mid ka mid ah uu odhan jiray …..Is this love?, is this love? Is this love? Is this love that I am feeling….maanta waxaan dareemayaa love saxiibo aanu kala baadnay ayaan dareemayaa jaceylkoodii…hadaan isna soo qaato gabay uu tiriyay ninka la yidhaahdo cali xasan roodhiile oo lagu naanayso cali banfas ayaa gabayadiisii mid ka mida oo uu ka tiriyay xiligii jabhada la ahaa ayaa wuxuu yidhi…sidan……Gariirka agteyda ayaan ka gartaa inaan garab haysto…hadaanana , hadaanan, hadaana gadoodka riyaalow guga danbe la soo hoyan guusha. Saaxiibaday waxaan leeyahay ku soo dhowaada xisbiga xaqa ah ee kulmiye…..waa xisbi aan cidi cid ka lahayn , waa xisbi ku shaqeeya sinaan iyo cadaalad, waa xisbi aanay lahayn beeli, waa xisbi aanay lahayn reer gaari, waa xisbi ay leeyihiin beelaha reer Somaliland oo u dhan, kolkaa hadaad maanta gaadheen go’aankan, waxaan idin leeyahay go’aan fiican ayaad gaadheene soo dhowaada mar labaad saaxibayaal oo walaalayaal. Aniis waxaa uu hadalkiisii ku soo xidhay afarey yar oo gaaban…isagoo yidhi ma gabyo anigu laakiin waxaan tuurtuuraa waxan la yidhaah afareyda, kolkaa waxaan leeyahay sidan……..Dhiigeygga geedkaan uga dhigay biyaha iyo miyay dheefta calanku dadka naga dhaxeysaa, dhimashiyo miyay cid dhibta iila siman tahay…dheel dheel kumaan helin , dhayal la iima siinine dhulku maalintii hore maantuu igu dheeryahay.
Waxaa kale oo uu aniis aad ugu mahadnaqay labada hablood ee sida fiican uga soo shaqeeyey abaabulka shirkan oo ahaa hablaha sida fiican u sharaxay madasha shirka oo la yidhaahdo Fardowsa iyo Ilhaan. Ka dib aniis waxaa uu makarafoonkii ku wareejiyay saaxiibkii Garaad Cali Jamac oo ahaa beelaha sool ee ku soo biiray xisbiga kulmiye halkaas oo uu cali shirkii isagu daadihinaayay, una waday si fiican oo heer sare ah.
Waxaa uu cali isna madashaa ka jeediyay hadal yar oo aad u xikmad lahaa oo uu cali yidhi waxaan filayaa in maanta aynu ka wada dharagsanahay waxyaalah ka dhacaaya laascaanood, ood moodo maanta in ay dadkii reer sool garteen wixii iyaga u ahaa dan, maantana aynu wada ognahay halkay hawli mareyso, waxaan kula talinayaa dadka reer sool in ay soo galaan xisbiga kulmiye oon anigu u arkao xisbiga dalkani u baahan yahay haday noqoto karti, aqoon, cadaalad iyo sinaan. Cali waxa uu hadalkii siiyay Cabdiraxmaan xuseen “burco” oo ka mid ah xubanah gudida sare ee kulmiye, Mr. Burco isna waxaa uu aad uga sheekeeyey halgankii dalkan loo soo maray iyo sida xaal maant yahay, isagoo aad ugu dheeraaday in maant Somaliland u baahantahay in mar kale la baadbaadiyo, ragii badbaadin lahaana ay yihiin xisbig a kulmiye, Burco isagoo hadalkii wali sii wata waxa uu yidhi oo uu ku celceliyay in maanta kulmiye u baahan yahay dhaqaale lagu galo doorashada sanadka danbe markaa waxaan leeyahay taageerayaasha reer kulmiye in ay jeebada gacanta galiyaan, waxaanan aad u soo dhoweynayaa saaxiibaday cucub ee ku soo biiray xisbiga ayaan leeyahay ku soo dhowaada gacmo furan iyo qalbi fiican.
Markuu shirku halkaa maraayay ayaa waxaa la wacay ku simaha guudoomiyaha kulmiye Mudane Mohamed Adan Abid “ iskeerso”, oo jooga hargeysa ….k/s gudoomiyaha kulmiye waxaa uu si fiican uga xogwaramay dadkii iskugu yimi shirkaas xaalada maanta wadanku maraayo iyo ka xisbiguba. Mudane Iskeerso waxaa uu sheegay in maanta wadanku maraayo halkii uu ugu liitay oo maceeshadii iyo wax waliba isku shareeray cirka, doolarkiina hoos u dhacay, maamulkii riyaalana uu noqday mid fadhiid ah oon dan ka lahayn dadka iyo dalkaba, waxaa uu kaloo noo sheegay in wadnkii wax ka dhaca mooyee aan wax ku soo biirayaa jirin, taana haddi sidaas lagu sii eegto ay Somaliland isku dumayso, waxa uu ku booriyay taageerayaasha kulmiye in loo baahan yahay dhaqaale iyo in aydin wadanka timaadaan xiliga doorasha iyo cidii iman kareysa xiliga shirweynaha kulmiye oo qaban qaabadiisi dhamaatay oo dhici doona bisha danbe oo ah bisha ugu horeysa ee sanadka cusub.
Waxaa hadalkii la siiyay oo isna shirka kaga qabygalay by telephone..Gudoomiyaha kulmiye ee gobolka lagu magacaabo Tennesee Mujaahid Cabdiraxaam Xuseen Caabi…oo lagu naanayso caabi….Mujaahid caabi waxaa uu ahaa nin ku caan ah Washington dc oo uu mudo dheer ku noolaan jiray ahaana ragii ka aasaasay SNM Washington dc oo ahaa mujaahid mar walba u fidin jiray gogosha marka ay snm shirayso isagoo kolkaa madax ka ahaa hudheel la seexdo oo ku yaala faras magaalaha Washington dc. Caabi oo hadal kooban meeshaa dadkii fadhiyay ku yidhi waxaa uu ku bilaabay in maanta loo baahan yahay sidii looga qaadi lahaa dawladan fadhiidka ah laguna badali lahaa xisbiga kulmiye. Waxa uu caabi yidhi waxaan u sheegayaa Madaxweyne riyaale waa in uu si shuruud la’aan ah ku soo daaya mujaahidiinta qaran ee jeelkii mandheera ku xidhan, waa in uu riyaale kala baxaa gacmaha hay’adaha samafalka ka wada wadanka, waxay u eegtay in uu madaxweyne riyaale ku socodo jidkii qodoxda lahaa ee aweyne, oo uu u ahaa basaas dadka reer Somaliland xidhxidha.
Waxaa iyana halkaa ka dalay oo ka soo jeediyay hadalo qiimo iyo qaayo leh labad hablood oo ahaa hablihii qaybta laxaadka leh ka qaatay qabanqaabada shirkan oo kala ahaa Ilhaan cismaan jamac iyo Fardowsa cabdi Muxumed si fiican ugu tuuntuunsaday siday kulmiye iskugu duubnaan lahaayeen iskana jiraan dadka kala saaraaya taageerayaasha kulmiye, xisbigana dhaqaale u uruuriyaan.
Waxaa la soo gaadhay wakhdigii lagu dhawaaqi lahaa doorashada gudida cusub, amaba loogu celin lahaa gudidii hore u jirtay, markii dadkii meesha fadhiyay isla eegeen waxay isku raaceen una codeeyeen in dib loogu celiyo gudidii hore laguna daro saddex xubnood oo cusub laba ka ka soo jeedaan beelaha sool and sanaag bari.
Waxaa laysla gartay in cid loo diro shirweynaha kulmiye oo lagu dooranaayo madaxda xisbiga u matalaysa doorasha danbe, waxaa laysla gartay in layska ilaaliyo cid allah cidii kala jabinaysa taageerayaasha kulmiye, wax laysla gartay in la bilaabo dhaqaalaha xisbiga sidii kor loogu qaadi lahaa, waxaana laysla gartay in la taageero shirweynaha kulmiye wixii ka soo baxa in si cad loo taageero .
Gudida xisbiga kulmiye ee Washington dc iyo nawaaxigeeda
ANIIS CABDILLAHI CIISE ….GUDOOMIYE
CABDIRAXAAN XUSEEN “BURCO” MEMBER
MAXMAED CUMAR NUUR “ WAJAALE’ MEMBER
XUSEEN CABDI DIIRIYE “ SEERAAR” MEMBER
GARAAD CALI JAMAC “ CALI CASE” BEELAHA SOOL
MAXAMED XIRSI “ JABIYE” BEELAHA SANAAG BARI
AHMEDYASIIN ABID NUUR “ AHMED MASHRUUC”
WABILALAHI TAWFIIQ
CALI AXMED H CABDILLAHI
KULMIYE , WASHINGTOTN DC