Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo ka warbixiyey khasaaraha dagaalkii maanta ka dhacay agagaarka Laascaanood

15 October, 2007

      Wasiirka Difaaca Somaliland, mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim ayaa sheegay in dagaalkii saaka Laascaanood iyo hareeraheeda ka dhacay ciidamada Somaliland ay khasaare ballaadhan u geysteen ciidamada Puntland, ka sokow qabsashada magaalada Laascaanood.

Wasiirka Gaashaandhigga oo galabta u warramay Radio Horyaal, waxa uu sheegay in ciidanka Somaliland inta la hubo ay dagaalkaa maanta ka qabteen ciidanka Puntland Puntland 56 maxaabiis ah iyo 13 gaadhi oo Tikniko ah. Waxana uu intaas ku daray in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh loo geystey ciidanka Puntland, kaas oo uu sheegay in aanay tiro sugan ka hayn, balse, ay ogyihiin in dhaawac badan ay qaateen oo ay ula carareen dhinaca Garoowe.

Wasiirka, mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim waxa uu sheegay in khasaaraha dagaalkaas ka soo gaadhey Somaliland uu yahay mid kooban, waxana uu carrabka ku dhuftay inay ku dhaawacmeen 9 askari, wax dhimasho ahina aanay jirin.

Ma jiraan warar madax bannaan oo ku saabsan khasaaraha ciidanka Somaliland ka soo gaadhey dagaalkaas. Warar laga helay ilo ku dhowdhow saraakiisha ciidanka Somaliland ee jiidda horena waxay sheegayaan in ciidanka Somaliland ay ka dhinteen Afar Askari.

Wasiirku waxa uu sheegay in ciidanka Somaliland ay magaalada ka deggan yihiin labada dhinac.

Ilaa 28 ka mid ah Maxaabiista ciidamada Somaliland ayaa galabta iyo caawa fiidkii la soo gaadhsiiyey magaalada Burco, halkaas oo hore loogu hayey 17 maxbuus oo horraantii bishan lagu soo qabtay dagaal ka dhacday duleedka Laascaanood.

Permalink • Print