ciidamada Somaliland si buuxda ula wareegeen gobolka Sool markii u horreysey muddo 5 sannadood ku dhow
15 October, 2007
Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo saaka ciidamada Somaliland si buuxda ula wareegeen markii u horreysey muddo 5 sannadood ku dhow, ayaa lagu soo warramay in ay deggan tahay, kadib dagaalkii saaka subaxnimadii hore ciidamada Somaliland kaga qabsadeen magaaladaas maamulgoboleedka Puntland iyo wisiisi la sheegay inuu ka dhashay jabka ciidamada Puntland.
Khadka Telefoonada magaalada Laascaanood oo go’naa maalmihii la soo dhaafay ayaa saaka mar kale dib u furmay, kadib markii ciidamada Somaliland ka saareen magaaladaas maamulka Puntland iyo maleeshiyadiisa; hase yeeshee, isla barqadii maanta ayay mar kale isgaadhsiinta Laascaanood go’day. Waxaana la sheegay in dadka reer Laascaanood ee taageersanaa maamulka Puntland ay ku wisiisiyeen khasaaraha iyo jabka maleeshiyada iyo maamulka Puntland, isla markaana ay rabshado ka sameeyeen magaalada, taas oo sababtay in la xidho isgaadhsiinta iyo meheradihii ganacsi ee magaalada.
Wararka ugu dambeeyey ee laga helay magaalada Laascaanood, waxay sheegayaan in Badhasaabka Gobolka Sool, Cali Sandulle iyo Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland, ay galabta kulan la yeesheen magaalada Laascaanood odayaasha iyo waxgaradka reer Sool, si ay u dejiyaan xaaladda. Waxayna wararku sheegayaan in masuuliyiintaasi ay ku wargeliyeen odayaasha iyo waxgaradka oo uu ka mid yahay Axmed Cabdi Xaabsade in ay iyagu la wareegaan gacan ku haynta magaalada, ilaa inta maamul midaysan oo ka kooban reer Sool loo dhisayo magaalada.
Ciidamada Somaliland oo saaka guluf xoog leh ku jiidhay ciidamada maamul-goboleedka Puntland ee ay muddada 4ta sannadood ah isku horfadhiyeen duleedka Waqooyi ee magaalada Laascaanood ayaa la sheegay inay hareeraha ka dhaafeen magaalada Laascaanood isla markaana raaca ugu horreeya ciidanka Somaliland uu fadhiyo meel ilaa 16 Km dhinaca Garoowe ka xigta magaalada Laascaanood, iyadoo magaalada gudaheedana loo dhaafay maleeshiyada taageersan Somaliland ee hore u degganaa Koonfurta magaalada.
Magaalada Laascaanood ayaa beryahan dambe u kala qaybsanayd laba daamood oo ay kala fadhiyaan taageerayaasha Somaliland iyo Puntland, iyada oo Koonfurta magaalada ay degganaayeen ciidan ka soo jeeda beelaha Koonfurta Laascaanood iyo hoggaamiyayaashooda, kuwaas oo taageersan Somaliland; halka meelo kale oo magaaladaas ka mid ahina ay saldhig u ahayd maamulka iyo taageerayaasha maamulka Puntland, taas oo dhiirrigelisey hawlgalka ciidamada Somaliland beryahan dambe ugu sii siqayeen dhinaca Laascaanood.