Guddoome Axmed Siilaanyo oo Iscasilaad ka aqbalay Fagadhe
10 October, 2007 Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka aqbalay Istiqaalad Guddoomiyekuxigeenkii 1aad ee Xisbiga Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo dhowaan loo magacaabay Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, qoraal uu kaga jawaabayey warqad uu u soo qoray Fagadhe, waxa uu yidhi, "Kadib markaan helay maalintii shalay (09/10/2007) codsigaagii istiqaalada ahaa ee aad kaga fadhiisatay xilkii Guddoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE, bacdamaa laguu magacaabay xil qaran, annaguna si xushmad iyo qadarin leh ayaanu kaaga aqbalnay istiqaaladaasi.
"Intaas kadib, waxaanu Ilaahay kaaga baryaynaa inuu kuu fududeeyo xilka Qaranka ee aad qaadday, annagoo hubna in halkii aad Qaranka uga shaqaysaba aad waxtar ku tahay."
Warqadda Fagadhe u soo qoray Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee uu ku dalbanayo iscasilaadda waxa uu ku codsaday in laga aqbalo istiqaalad iyo hawl ka fadhiisasho xilkii uu ka hayey xisbiga ee ahaa Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee xisbiga.
Mr. Fagadhe waxa uu warqaddiisa ku sheegay in ay ku kelliftey istiqaaladda xilka loo magacaabay ee ah Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska, taas oo uu sheegay in aanay u saamaxayn inuu sii wado hawshii xisbiga.
"Waxa keliya ee aan ku jiraana ay noqotay hawl qaran, anigoo iminka wixii ka dambeeya aan shaqo ku lahayn hawlo xisbi, hawlqaran mooyaane, " ayuu Fagadhe ku sheegay qoraalkiisa.
Warqadda Fagadhe ku dalbaday istiqaaladda waxay ku soo beegantay iyadoo mid ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa uu daabacay waraysi uu Fagadhe bixiyey oo uu ku sheegayo in aanu ka bixin xisbiga KULMIYE. Waxaana la filayaa in cadaadis kaga yimi xagga xukuumadda.