Guddida Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Oo Lagu Dhawaaqay

  10 October, 2007    Guddida Farsamo ee Diiwaangelinta codbixiyayaasha oo uu jidaynayo Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ayaa maanta si rasmi ah loogu dhawaaqay, isla markaana hawlgalay.

Guddidaas oo sida xeerku dhigayo ka kooban 7 xubnood oo ka kala imanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo 2 xubnood ah, Saddex xubnood oo ka kala imanaya saddexda xisbi Qaran iyo 2 xubnood oo ka imanaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxa lagu dhawaaqay kadib markii dhinacyadaas oo dhami ay soo magacaabeen xubnihii xeerku siiyey; kuwaas oo kala ah:

  1. Axmed Jaambiir Kaahin, Wasiirkuxigeenka Arrimaha Gudaha
  2. Maxamed Jaamac Colow, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  3. Xirsi Cali X. Xasan, Guddoomiyekuxigeenka Komishanka (Komishanka Doorashooyinka)
  4. Axmed Ismaaciil, (Komishanka Doorashooyinka)
  5. Cumar Jaamac Faarax (Xisbiga UDUB)
  6. Axmed Maxamed Buubaa (Xisbiga UCID)
  7. Xuseen Axmed Caydiid (Xisbiga KULMIYE)

Guddidaasi oo maanta hawshooda ka bilaabay Xarunta Komishanka Doorashooyinka, waxay Guddoomiye u doorteen, Xirsi Cali X. Xasan oo isla markaana ah Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka.

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xarunta Komishankana waxay ku sheegeen in hadda wixii ka dambeeya ay hawshii diiwaangelinta Codbixiyayaasha ay gudagelayaan oo ay ugu horrayso arrimaha farsamo ee ay hawshaasi u baahan tahay.

Dhismaha Guddida iyo gudagalka qorshaha hawsha diiwaangelinta codbixiyayaashu waxay ka dambeysey wadahadalo beryahan dambe u socdey Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda xisbi, kaas oo ay ku gaadheen heshiis dib loogu riixayo doorashooyinkii dalka ka qabsoomi lahaa December 2007 iyo April 2008 ee Deegaanka iyo Madaxtooyada, si muddadaas loogu dhammaystiro diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka, Xirsi Cali X. Xasan oo shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in berrito oo Khamiis ah hoggaamiyayaasha Saddexda xisbi Qaran ay isugu imanayaan Xaflad lagu qaban doono Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay wadajir ugu saxeexi doonaan heshiiska saddexda xisbi ka gaadheen dib u dhigista doorashooyinka.

"Hawshii sidaa ayay ku soconaysaa, wakhti dambe oo la doonayo in dadka iyo dalka laga lumiyo meesha ma taallo, " sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaran, Maxamed Yuusuf.

Madaxweyne Riyaale ayaa la sheegay in aanu ku qancin qaabka heshiiskaas loo gaadhey, gaar ahaan, in la cayimo muddada dib loo dhigayo doorashooyinka, taas oo la sheegay inuu ku doodayo in Golaha Guurtidu xaq u leeyahay.

 

Permalink • Print