DIB U EEG DOORASHOOYINKII HORE………..?
![]() |
| Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Mud. Ismaaciil Aadan Cismaan |
| Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Murankii Goobaha Coddeynta Ee Degmada Lughaya Iyo Xaddeynteeda |
Shir-Jaraa’id - Wasiirka Arrimaha Gudaha
Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Mud. Ismaaciil Aadan Cismaan, ayaa shalay shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, waxaanu shirkaa Jaraa’id kaga waramay xaaladii nabadgelyo ee xiligii doorashooyinka, muran ku saabsan xadadka degmooyinka iyo goobaha coddeynta.
Mudane Ismaaciil oo ka waramayay Muran ka dhashay goobaha coddeynta ee degmada Lughaya, ayaa yidhi: "Eeryada Lughaya iyo Daara-Salaam dhexdooda, sidaad ogtihiin Daara-Salaam waa magaalo yar oo ka tirsan Hargeysa, hase yeeshee loo gudbiyay in degmo laga dhigo, welina lama ansixin ee waxay la mid tahay degmooyinka kale ee la magacaabay, markaa Daara-Salaam ahaan xuduud ay iyadu leedahay oo loo cayimay ma jirtee, weli waxay ka tirsan tahay degmada Hargeysa, ansixinteeduna degmooyinka kale ayay la mid tahay oo Baarlamaanka cusub ee iman doona ayaa ka hadli doona hadday ka gudubto shuruudaha lagu ansixinayo waynu arki doonaa, haddii ay ka gudbi waydana waa la arki doonaa. Degmada Hargeysa iyo Lughaya oo kale xaddeyn maaha waxani, waa goobihii coddeynta, halkee imika sanduuqa la sii dhigaa dhinacay doonto ha raacsanaatee, ama sanduuqu Hargeysa mid loogu soo coddeynayo oo soo raaca ha noqdo, ama mid loo coddeynayo Boorama ha ahaado. Haddii sanduuqa lagu cadeeyay Boorama uu tago, iyo haddii sanduuqa lagu coddeeyay Hargeysa yimaado, qiimayn gaar ah malaha oo bobulayshanka ah meesha kuma jirto, waxa weeyi uun axsaab tartamaysa. Saddexda meelood ee laga soo qaaday Sanaaduuqda Lughaya la dhigay, waxay ahaayeen Ceel Sheekh, Ceel La-Helay iyo Bil-Gaalay, hadday doonaan ha ka mid ahaadaan Hargeysa, haddii kalena haka mid ahaadaan Lughaya, anagaa wasaarad ahaan Ceel La-helay iyo Bil-Gaalay, muran baa ka taagan cidi nama odhan, Guddiga kumishinkuna namay soo weydiinin, waxay ahayd waxa Guddiga kumishinka u qoran oo ay hayaan. Markaa, markii imika doorashadu sahadambe oo kale dhacaysay, ayay niman odayaal ah oo dacwoonayaa yimaadeen, may noo sheegin meel heblaayo iyo meel heblaayo toona, cunsuriyad baa ku jirta ay ku hadlayeen uun dhulkaas ayaanu anagu leenahay iyo reer hebel baa loo dhigayaa, taasina xaalad maanta loo baahan yahay haba yaraatee may ahayn, ee waxay ahayd si degenaansho ah in ay u yidhaahdaan meel heblaayo, waxaanay u doodayeen Daara-Salaam. Waa in degmada Hargeysa, masuuliyiinteeda, odayaasheeda, cuqaasheeda iyo salaadiinteeda, haddii degmada Hargeysa xad ay lahayd oo meesha loo dhigayay cid kale, waxanina wax meel inaga tegaya maaha, Tijaabadii u horeysay doorashada weeyi, bacda doorashada waa wax la sixi karo goobtii oo la raacin karo coddeyntii ay lahayd."
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlayay, dhacdada sanaaduuqda lagaga soo qaaday goobihii coddeynta ee Lughaya, ayaa yidhi: "Niman cunsuriyadi ku jirto, ayaa halkan ka duulay iyagoon ahayn budhcad hub sidata, afar baabuur bay kaxaysteen, dadkii danyarta ahaa ee halkaa joogay ayay abaabul ku sameeyeen, saddexdii goobood ee ay Lugahayi sanaaduuqda dhigatay, odayaashii ilaalinayay iyo muraaqibiintii ayay soo afduubeen oo gawaadhida soo saarteen. Dabadeed markaanu arrintaa ogaanay, nimankii iyo sanaaduuqdii ayaanu qabanay, 20 nin ayay noqdeen, jeelka ayaanu u gudbinay, sanaaduuqdiina waxaanu ku wareejinay Guddiga Doorashooyinka."
Wasiirku, wuxuu intaa ku daray in saddex goobood ay raaci doonnaan halkii ay ka tirsanaan jireen oo ay baadhi doonaan arrintaa.
Wasiirka Arrimaha Guduhu, waxa kale oo uu sheegay in Wasaarada Arrimaha Guduhu aanay samaynaynin xaddeyn ee la raacayay xadadkii degmooyinka ee hore u jiray, iyo in wasaarada arrimaha guduhu ay qabanaysay wixii dacwad ah ee ka soo gaadha degmooyinka ee ku saabsan xadadkoodii hore.
Guud ahaan shirkaa Jaraa’id ee shalay, wuxuu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan uu ku sheegay in doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee degmooyinku ay ku dhacday jawi nabadgelyo ah.
