Golaha wakiilada oo dagdeg u ansixiyay xubnihii komishanka
" Golaha wakiilada oo dagdeg u ansixiyay xubnihii komishanka "
Fadhiga golaha wakiilada oo maanta ansixiyay xubnihii komishanka
Fadhigan golaha wakiiladda oo uu maanta shir guddoominayay Cabdicasiis Maxamed Samaale, gudduumiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda ahna ku simaha guddoomiyaha golaha wakiiladda ayaa waxa fadhiga golaha kasoo xaadiray 63 mudane. Md. Ismaacil Muuse Nuur ayaa waxa u codeeyey 63 mudane, mana jirin cid ka aamustay iyo cid diiday toona. Dhinaca kale mudane Xasan Maxamed Cumar ayaa isna waxa ogolaaday 62 mudane, cid diiday ma jirin, waxaana ka aamusay hal mudane.
Codeynta iyo ansixinta labadan mudane ayaa ka danbeysay kadib wiigii hore markii golaha wakiiladda Somaliland cod aqlabiyad ah ku diiden ansixinta laba xubnood oo golaha guurtida Somaliland hore ugu soo magacaaben koomishanka doorashoyinka qqaranka.
Labadan mudane ee maanta golahu wakiiladdu anasixiyey ayaa haatan si toos ah uga mid noqonaya kuna biirdi doona, haddii Eebe idmo, shanta xubnood ee kale ee komishanka doorashoyinka ee hore loo ansixiyey, haatana waxa qudha ay sugaan ay tahay dhaarinta maxkamadda sare.