Komishanka Doorashooyinka Oo Ku Soo Biiray Muranka Goleyaasha
Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo imika uun laga sugayo inuu hawshiisa si rasmi u bilaabo waxa durtaba uu ku kowsaday is afgaranwaa dhexdooda ah iyo mid dhinaca Wakiilada ah. Kuwaasoo werwer iyo shaki ku beeray bulshada lagaga baqo qabo sida ay u shaqayndoonaan inta laga gaadhayo doorashooyinka degaanada iyo kuwa madaxweynaha.read more….
Magacaabista komishanku waxay soo martay muran soo jiitamayay oo salka ku haya madaxtooyada oo laga soo magacaabay 5 kamida xubnahaas. Imika oo aynu ku jirno horraantii bisha Sebtembar ee 2007, doorashooyinkii degaanada waxa ka hadhsan 3 bilood, baaxadda hawlaha horyaallaana ma yara waxana ugu weyn diiwaan gelinda codbixiyeyaasha oo aqoonyahanku isku raacay inaan lagu fulin karin muddo ka yar 2 sannadood oo ay ku kici doonto dhaqaale malaayiin doollar ah. Dibudhacaas badan oo dawladu horseed ka ahayd kana caga jiidaysay tan iyo sannadkii 2003, waxa hanankara komishan khibrad iyo aqoon u leh oo haysta madaxbannaani buuxda dhexna u ah bulshada. Waxa laga sugayaa inay hawlahooda ku bilaabaan midnimo dhexdooda ah iyo wada tashi baahsan. Waana inay yeeshaan qorshe cad oo ay kaga midho dhalin karaan hawlaha horyaal muddada gaaban ee hadhsan iyagoo kala caddaynaya wixii suurto gali kara iyo wixii aan suurto galayn. Hase ahaatee loogama fadhiyo kala jajab dhexdooda ah inay kula soo biiraan muranka siyaasadeed ee dalka hadheeyay.
Shaqadii Ugu Horaysay Ee Komishanka
Sida warbaabintu soo qortay guddoomiyaha komishanka qaranka ee ku-meel-gaadhka ah, Maxamed Yuusuf Axmed ayaa maxkamadda u gudbiyay xubintii UDUB u bedeli lahayd marxuumkii ka tirsanaa Wakiilada ee geeriyooday. Xisbiga UDUB wuxuu ku hawlanaa inuu meelmariyo ansixinta Wakiilada ee labada xubnood ee komishanka ee lagu muransanaa. Si taasi ugu suurto gasho waxa si degdeg uga hawlgaleen beddelaada ay u beddelan lahaayeen xubinta ka bannaanaatay. Sida sharcigu dhigayo iyada oo aan marka hore Guddoomiyaha Wakiiladu caddayn in xubintaasi bannaanaatay, ayaa xisbiga UDUB kula cararay guddoomiyaha kumeel gaadhka ah ee komishanka, kaasoo isna isaga oo aan kala tashan xubnaha kale ee komishanka amaba aan ka wargelin Golaha Wakiilada, uu gudbiyay maxkamada sare oo looga bartay inay goorwalba heegan u tahay marka dawladu dan leedahay ayaa iyaduna sidaa markiina ku dhaarisay xubinta beddelaysa marxuumka. Isla aroornimadii xigtayba waxa la arkay mudahan aan soo marin sifihii sharcigu dhigayay oo dhexfadhiya golaha Wakiilada oo diyaar u ah inuu u codeeyo labada xubnood ee lagu maransanaa. Xubintaas oo guddoomiyaha Wakiiladu Mudane Cabdiraxmaan Cirro u sheegay inaanu soo marin sifihii sharciga ahaa sidaas kaga codsatay inuu ka baxo golaha.
Dhaarinta xubintaas waxa ka muuqda degdeg iyo mugdi lagamana filayn qofka dabada ka riixayaa inuu noqdo xubin komsihanka doorashooyinka ah. Jagadaas uu ka baxay marxuumku haddii ay ka banaanaan lahayd xubnaha Wakiilada ee ka soo jeeda KULMIYE ama UCID may suurto gasheen in sida imika dhacay koshinkana iyo maxkamaduba sida degdegga ah ay ugu fuliyaan beddelkeeda (fast-tracking).
Layaab ma leh hubsiimo la’aanta maxkamaddu, waxase cusub in guddoomiyaha komishanka ee kumeel gaadhka ahi dhacdadan ka dhigo hawshoodii ugu horaysay isla markaana keenta muran sharci. Waa marka hore toddobadii xubnood ee komishanku isuma wada dhama, iskamanay dhex dooran guddoome rasmi ah sida sharcigu yahayna lama dhaarin, ilaa iyo wakhtiga taas la dhamaynayana waxa ku waajib ah inay ka foogaadaan waxkasta oo muran siyaasi keeni kara. Tallaabada guddoomiyaha kumeelgaadhka ahi ku kacay waxa lagu tilmaami karaa dhiktaatooriyad hoose oo uu kula dhaqmay xubnaha kale ee komishanka waxana taa sii xoogeeyay jawaabta uu ka bixiyay mar su’aal laga waydiiyay uu kaga jawaabay "Arintani waa arin maamul oo aniga ayaa iska leh, maadaama oo aan gudoomiyihii ahay, iminkana waxay ahayd in aanay xubnahaasi kale buuq ka abuurin ee aanu iskaga nimaadno". Kelmadaas hadalkiisa ku jirtay ee "aanu iskaga nimaadno" waa tii isaga seegtay intii aanuu falka noocan ah faraha la gelin waxana hadalkiisa ku cad in xubintani bilaabay kala jebinta komishankan aan wali toos u hawl galin.
Dhacdadan guddoomiyaha ku meelgaadhka ku kacay iyo jawaabihiisaba waxa laga dhadhansan karaa tayoxumo, dhayalsi iyo tixgelin la’aan aad uga hoosaysa heerkii laga filikarayay xubin ka tirsan komsihanka waxana bilaabmay shaki laga qabo in komishanka, oo aan tababar iyo khibrad midna u lahayn, u noqondoono mid hanan kara hawsha qaranku ka sugayo, iyadoo ay muddo dheer qaadan doonto in laga soo kabandoono dhaawaca geeddi socodka dimoqraadiyadda ka soo gaadhay amarkii Riyaale ku kala diray komishankii khibradda iyo aqoonta badan ku soo qaatay muddadii ay hawsha hayeen.
Sharciga doorashooyinka Wakiilada
Sharciga doorashooyinka Wakiiladu wuxuu dhigayaa:
Marka ay banaanaato xubin ka mid ah Golaha Wakiilada si waafaqsan asbaabaha ku xusan qodobka 50′aad ee Dastuurka, Shirgudoonka Goluhuna sidaa caddeeyo, waxa Komishanku bedelkii xubinta banaan ku buuxinayaa musharaxiinta kaydka xisbiga ay ka soo jeedeen kuwa banneeyay, muddo aan laba todobaad ka badnayn. Waxana loo raacayaa sida magacyadoodu liiska ugu kala horeeyaan.
Qodobka afaraad ee "Code of Conduct" ee komishanku wuxuu odhanayaa (tarjumaad)
Komishanku wuxuu ugu dhaqmayaa shuruucda Doorshooyinka sida ay yihiin; meeshii mugdi ka jiro shuruucda, waxa komishanku ka qaadanayaa go’aanka ugu macquulsan uguna dhexdhexaadsan ee u suurtoobaya, iyada oo marwalba caddaaladda, dhexdhexaadnimada iyo danta qaranka ka hormarinaysa wax kasta. (qodobkan oo ingiriisi ku qoran waxa laga heli karaa: somalilandlaw.com)
Haddaba Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee komishanka kama warla’a inay jiraan shuruuc waajib ku ah inuu ku dhaqmo waxase muuqata inuu u badheedhay umana qalmo inuu noqdo xubin ka tirsan komishanka iskaba daa inuu noqdo guddoomiyaha rasmiga ah ee komishanka. Dhinaca kale haddii xubnaha kale ee komishanku aanay ku raacsanayn tallaabadan iyo jawaabta uu ka bixiyay waxa ku waajib ah inay ka hawl galaan sidii ay u badbaadin lahaayeen kalsoonidooda bulshada dhexdeeda. Waa inay si degdeg u caddeeyaan inaanay caado u noqondoonin go’aano ferdi ah. Haddiise aan dheg jalaq loo siinin tallaabadani waxay noqondoontaa tii ugu horeeyay ee go’aamo keli keli ah oo ay gaadhaan xubnaha komishanku iyada oo aan lagu salayn sharci iyo wada tashi midna, taasoo horseedi doona fawdo iyo muran hor leh. Komishan sidan u dhaqma, waxba kama duwanaandoono Golaha Guurtida maadaama aan:
- midkoodna ku iman hannaanka dimoqraadiyadda ah, bulshadana aan laga qaybgelin xulashadooda. Guurtidu waxay ku joogtaa amar madaxweyne oo ay la leedahay gacansaar hoose, halka 5 kamida komishanka uu soo magacaabay madaxweynuhu sidaa darteedna uu jiridoono shaki inay shantaas xubnood gacansaar hoose la leeyihiin madaxweynaha
- Labada guddoomiye ama shirgoddoonba waxay isa siiyeen awood aan sharciga ku ool oo ay ku gaadheen go’aano aanay cidina la wadaagin (Guurtida – magacaabisa labada xubnood ee komishanka, Komishankana dhacdadan maanta ee guddoomiyaha ku meelgaadhka ahi ku kelida yahay).
Sidaa darteed komishankan waxa lagu eegayaa indho dheeraad ah iyo shaki iyagaanay u taalla inay is caddeeyaan inaanay ku dhaqmin amarada tooska ah ee madaxweynaha. Tallaabadan ugu horaysay ee komishanku ku dhaqaaqayna waxay daalfurtay siina xoojisay shakigaas.
Haddii komishanku ka dhaga adaygo inuu muujiyo dhexdhexaadnimadiisa ururada mucaaridka ahina doorashada ka helaan xisbiga UDUB, waxa lagama maarmaan noqondoonta in komishanka iyo Guurtidaba la kala dareeriyo. Nidaamka maanta jira ee lagu soo xulay komishanka waxa la odhan karaa markiisii horeba looma samayn in lagu gaadho dimoqraadiyad. Waa mid ka hiilinaya bulshada una hiilinaya hadba qofka ku fadhiya kursiga madaxweynaha iyo xisbiga uu ka soo jeedo, waxana la sameeyay xilligii marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal madaxweynaha ahaa. Waxa lama huraan ah in dawladda cusub, golaha wakiilada, iyo ururada madaniga ahiba ay ka wada shaqeeyaan sidii xulashada xubnaha komishanka dib loogu soo celin lahaa mujtamaca Somaliland ee imika dibadda ka jooga iyagana looga qayb gelin lahaa shuruudaha lagu xidhayo qofkasta oo damac ka galo xubinimada komishanka sida aqoonta, khibradda, dhowrsanaanta iwm.
Somaliland.Org